Xogta laga helay URURADA BULSHADA RAYIDKA SOOMAALIYEED

Dhisida xog ururin guul leh sanadka 2019 iyo
2020 gudaha Kenya, barnaamijka BMM waxa ay iskaashi la sameeyeen Freedom Collaborative si ay u taageeraan kooxaha bulshada rayidka ah ee ka hawlgala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, Somaliland, Jubaland iyo Puntland si ay u kordhiyaan helista xogta la wadaago ee ku saabsan tahriibinta dadka, si ay u horumariyaan go'aan gaarista istiraatiijiga ah iyo dadaallada u doodista.

Si loo gaaro yoolkan, Freedom Collaborative waxa ay la shaqeysay ururada bulshada rayidka ah, si ay gacan uga geystaan oo ay u wadaagaan xogtooda ku saabsan ka ganacsiga dadka iyo hawlaha dhiigmiirashada oo ay isticmaalaan aqoontan wadajirka ah si ay u qabtaan kakanaanta jilicsanaanta iyo dhaqdhaqaaqa.

Falanqaynta waxay ku dhisan tahay u hurista iyo wakhtiga ay ku bixiso Ururada Bulshada Rayidka ah si ay ugu soo gudbiyaan macluumaadkooda qaab habaysan. Inkasta oo xogta aan loo fahmin inay tahay mid dhammaystiran, ururada iyo bixiyeyaasha adeegga gudaha ayaa weli ah isha xogta ugu dhammaystiran ee qaybta. Waxaan ku bogaadinaynaa ururrada ka qayb- qaadashada xog-ururintan si wax looga qabto baahida loo qabo daboolid xog badan oo gobolka ah iyo caalamkaba.

 
 
 
 

Soo saarista Daabacaddan waxaa taageerada dhaqaale ka gaystay Midawga Yurub (EU) iyo Wasaaradda Horumarinta Iyo Iskaashiga Dhaqaalaha Ee Dawladda Federalka Ee Jarmalka iyadoo loo marinayo Mashruuca Maaraynta Habboon ee Socotada(BMM). Nuxurkiisa masuuliyadeed  oo keliya ayaa ah mid kudhisan xoriyad iyo iskaashi mana aha mid ka turjumaysa aragtida Midawga Yurub iyo Wasaaradda Horumarinta Iyo Iskaashiga Dhaqaale ee Dawlada Federalka Ee Jarmal (BMZ).  Ujeedada Mashruuca Maaraynta Habboon ee Socotada (BMM) ayaa ah, sidii  loo wanaajin lahaa maaraynta socotada Geeska Afrika iyo sidii gaar ahaan si gaar ah  wax looga qaban lahaa tahriibinta iyo ka ganacsiga socotada soo gelaysa iyo ta ka baxaysa gobolka. Turjumaadda daabacaddan waxaa lagu soo saaray taageerada dhaqaale eek a gaysteen Midawga Yurub (EU).